Istanbul (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan kula yeeshay Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdogan, magaalada Istanbul, halkaas oo ay ku yeesheen wadahadallo albaabadu u xirnaayeen, sida ay sheegeen warar rasmi ah.
Kulanka ayaa ka dhacay xarunta Dolmabahce, halkaas oo Madaxweyne Erdogan si rasmi ah ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya, kadibna labada dhinac ay soo bandhigeen wafdiyadooda ka hor inta aysan guda gelin wadahadallada.
Ilo ka tirsan dowladda Türkiye ayaa sheegay in kulanka ay sidoo kale ka qeyb galeen Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah Alparslan Bayraktar, Madaxa Sirdoonka Qaranka Ibrahim Kalin, Agaasimaha Isgaarsiinta Burhanettin Duran, iyo La-taliyaha Arrimaha Dibadda Akif Cagatay Kilic.


