Muqdisho (Dawan) — Xoghayaha Guud ee Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), Wamkele Mene, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho, kadib casuumaad uu ka helay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wamkele Mene iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan.
Booqashada Xoghayaha Guud ee AfCFTA ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay dardargelinayso ka qaybgalkeeda suuqa ganacsi ee qaaradda Afrika, iyadoo xoogga la saarayo ballaarinta fursadaha ganacsi, maalgashiga iyo dhoofinta badeecadaha Soomaaliyeed.
Ujeeddada booqashada ayaa ah in la sii xoojiyo wada shaqaynta Soomaaliya iyo AfCFTA, lana dardargeliyo ka qaybgalka Soomaaliya ee suuqa mideysan ee qaaradda Afrika, iyadoo sidoo kale laga wada hadlayo fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee uu heshiisku dalka u abuurayo.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa sheegtay in booqashadu ay muujinayso muhiimadda ay Soomaaliya siinayso xoojinta iskaashiga ganacsi iyo dhaqaale ee heer qaaradeed, iyo ka qaybqaadashada dadaallada lagu dardargelinayo hirgelinta heshiiska AfCFTA.
Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay inay ka shaqaynayso sidii Soomaaliya ay uga faa’iidaysan lahayd fursadaha uu heshiisku u abuurayo kobcinta ganacsiga, ballaarinta suuqyada wax-soo-saarka dalka, dhiirrigelinta maalgashiga iyo horumarinta fursadaha ganacsi ee shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah.