Muqdisho (Dawan) — Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa Dawan u xaqiijiyey in warqad lagu faafiyey baraha bulshada, oo loo nisbeeyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ay tahay been abuur.
Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Oktoobar 2026 ayaa lagu isticmaalay astaanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo magaca Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyadoo loo qaabeeyey qoraal rasmi ah oo tilmaamaya hadal loo tiiriyey Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Trump uu isu soo bax ka dhacay gobolka Ohio 12-kii Oktoobar ku tilmaamay Somaliland dal ka gooni ah Soomaaliya, taas oo warqadda lagu andacooday inay walaac ku abuurtay dowladda federaalka.