Muqdisho (Dawan)— Soomaaliya ayaa Arbacadii cambaareysay go’aanka Colombia ay ku aqoonsatay madaxbannaanida Israa’iil ee Buuraha Golan, iyadoo sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay mid aan wax sharci ah lahayn isla markaana uu ka hor imanayo sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Buuraha Golan ay yihiin dhul Suuriyaan ah oo la haysto, waxayna ku baaqday in khilaafka Israa’iil iyo Suuriya lagu xalliyo wada-hadal iyo iyadoo la raacayo qaraarrada Qaramada Midoobay.
Go’aanka Soomaaliya wuxuu ku soo beegmay cambaareyn ballaaran oo ka timid dalal kale oo gobolka iyo dunida Muslimka ah.
Suuriya, Sacuudiga, Qatar, Urdun Masar, iyo Jabuuti ayaa cambaareeyey ama diiday go’aanka Colombia, iyagoo sheegay in tallaabadaasi aysan beddeli karin xaaladda sharci ee Buuraha Golan oo ah dhul Suuriyaan ah oo la haysto.
Turkiga, Cumaan, Kuwait iyo Ciraaq ayaa sidoo kale cambaareeyey go’aanka, iyagoo ku tilmaamay mid ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay.
Immisa dal ayaa aqoonsan lahaanshaha Israa’iil ee Golan?
Ilaa hadda, laba dal oo Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa si rasmi ah u aqoonsaday lahaanshahaIsraa’iil ee Buuraha Golan.
Mareykanka — 2019 ayuu aqoonsaday madaxbannaanida Israa’iil ee Golan xilligii hore ee madaxweyne Donald Trump.