Muqdisho (Dawan) – Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in uu gacanta ku hayo gal-dacwadeedka Sacdiyo Macallin Cali Xasan, kadib markii hay’adaha baarista ay u gudbiyeen kiiska, iyadoo lagu soo eedeeyay “sumcad-dil” iyo “kicin bulsho”.
War-saxaafadeed uu Xafiisku soo saaray 6-da May ayaa lagu sheegay in uu gudanayo waajibaadkiisa sharciyeed ee la xiriira ilaalinta sharciga, oogista dacwadaha iyo dhowrista nidaamka guud. Waxa kale oo lagu sheegay in natiijada baarista loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh marka hawsha la soo gabagabeeyo.
Si kastaba, war-saxaafadeedka si cad looguma sheegin hadallada, qoraallada ama falalka gaarka ah ee saldhigga u ah eedeymaha loo jeediyay Sacdiyo Macallin.
Marka loo eego Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ee soo baxay sanadkii 1962-kii, erayga “kicin bulsho” si toos ah uguma qorna xeerka, balse waxa uu u dhow yahay qodobbada ka hadlaya ilaalinta nidaamka guud.
Qodobka 321-aad, oo cinwaankiisu yahay “U-hor-kicinta amar-diiddada”, ayaa ka hadlaya qof si fagaare ah dadka ugu boorriya in aysan u hoggaansamin sharciyada la xiriira nidaamka guud, ama kiciya nacayb dhex mara qaybaha bulshada. Qodobkani wuxuu dhigaya ciqaab u dhexeysa lix bilood ilaa shan sano oo xarig ah.
Sidoo kale, Qodobka 320-aad, oo cinwaankiisu yahay “U-hor-kicinta sharci-darrada”, ayaa ka hadlaya qof si fagaare ah ugu boorriya qof kale inuu galo fal-dembiyeed. Haddii kicintu la xiriirto gelitaanka dembi, ciqaabtu waxay noqon kartaa xarig u dhexeeya hal sano ilaa shan sano.


