Muqdisho (Dawan)- Wakiil ka tirsan dadka qaba baahiyaha gaarka ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in aqoonsi la’aanta rasmiga ah ee Luqadda dadka maqalka la'a ee Soomaaliyeed ay ka horjoogsanayso dadka maqalka la'a inay si buuxda uga qaybqaataan doorashooyinka isla markaana ay xaddidayso fursadahooda ay ugu tartami karaan xilalka guud ee dalka.
Isagoo ka hadlayay furitaanka Madasha Horumarinta Soomaaliya ee Saddexaad (SDF2026) ee ka dhacday Muqdisho, Muuse Xasan Axmed ayaa sheegay in dadka maqalka la'a aysan si buuxda uga qayb geli karin geeddi-socodka siyaasadda, maadaama aan weli si rasmi ah loo aqoonsan luqaddooda.
Muuse ayaa yiri: "Annaga maqalka la' doorashada kama qeyb gali karno. Maadaama aan luqadeena aan la ansixin , waxaan is lahaa aad doorashada qeyb gashaan, xilal waa weynna aad qabataan, laakiin nasiib darro ah xuquuqdeena lama helin"
Wuxuu baaq u jeediyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), oo ka qayb galay madasha, isagoo ugu baaqay dowladda inay si rasmi ah u ansixiso Luqadda Calaamadaha Soomaaliyeed.