Hargeysa (Dawan) – Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ayaa 29 September burburisay khamri ay Ciidanka Booliska Somaliland ku soo qabteen hawlgallo kala duwan, kaas oo sida ay sheegeen ciidamada muddo ku jiray gacanta booliska.
Khamriga ayaa lagu qabtay Saldhigga Booliska Abaarso, kaddib hawlgal qorsheysan oo ay ciidamada sameeyeen. Boolisku waxay sheegeen in khamriga lagu soo qabtay gaari nooca Land Cruiser ah oo ay saarnaayeen saddex fuusto khamri gaaraya.
Sida ay boolisku sheegeen, khamriga ayaa lala xiriiriyay eedeysane maqane ah, kaas oo aan goobta lagu qaban.
Maxkamaddu waxay amartay in la burburiyo 638 litir oo khamri ah iyo 75 litir oo kale oo jajabay. Waxaa sidoo kale la burburiyay 18 litir oo khamri ah oo horay maxkamadda gacanteeda ugu jiray.