Addis Ababa (Dawan) – Midowga Afrika ayaa si rasmi ah u daahfuray ololaha sannadka 2026, kaas oo diiradda saaraya “Biyo nadiif ah iyo Nidaamyada Fayadhowrka si loo gaaro Himilada Ajendaha 2063.” Ololahan waxaa loogu talagalay inuu xoojiyo maaraynta biyaha, hagaajinta helitaanka adeegyada biyaha, iyo ka hortagga dhibaatooyinka la xiriira isbeddelka cimilada ee qaaradda Afrika.
Mawduuca sannadka 2026 wuxuu noqday baaq deg-deg ah oo loogu talagalay xaqiijinta maaraynta biyaha iyo nidaamyada nadaafadda, iyadoo mudnaanta la siinayo dhinacyada caafimaadka, horumarinta bulshada, iyo dhaqaalaha Afrika.
Madaxda Afrika waxay ku baaqeen in dowladaha xubnaha ka ah ururuka, bulshada rayidka ah, iyo ganacsatada ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xal u helidda caqabadaha biyaha, iyadoo la tixgelinayo doorka muhiimka ah ee dhalinyarada, haweenka, iyo bulshada la haybsoobay.
Midowga Afrika ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in maaraynta khayraadka biyaha ee xuduudaha uu ku saleysnaado wada-shaqeyn goboleed, maadaama qaar ka mid ah webiyada iyo harooyinka Afrika ay maraan xuduudaha dalalka, taasoo keenta baahida xalal wadajir ah si loo xaqiijiyo helitaanka biyo loo siman yahay.







