Muqdisho (Dawan)— Xarunta Midowga Afrika ee La-dagaallanka Argagixisada ayaa Isniintii Soomaaliya ka bilowday markii ugu horreysay qiimeyn heer qaran ah oo ku saabsan awoodda dalka ee la-dagaallanka argagixisada, iyadoo saraakiisha labada dhinac ay ka wada hadlayaan awoodaha amniga, xog-wadaagga, dhisidda awoodda iyo ka hortagga maalgelinta argagixisada.
Idris Lallali oo ka tirsan Xarunta Midowga Afrika ee La-dagaallanka Argagixisada ayaa sheegay in howshan ay tahay markii ugu horreysay ee xaruntu Soomaaliya ka fuliso qiimeyn noocan ah, taas oo qeyb ka ah waajibaadka xarunta ee qiimeynta awoodaha dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.
Lallali ayaa sheegay in qiimeyntu ay diiradda saari doonto awoodda hay’adaha Soomaaliya ee la-dagaallanka argagixisada, guulaha ay gaareen hay’adaha qaranka iyo meelaha ay u baahan yihiin dhisidda awood dheeraad ah. Wuxuu sheegay in xaruntu 15-kii sano ee la soo dhaafay qiimeyn noocan ah ku sameysay in ka badan 35 ilaa 40 dal oo xubno ka ah Midowga Afrika.
Saraakiisha Soomaaliya ayaa sheegay in kulamada ay sidoo kale diiradda ku saareen is-weydaarsiga xogta ku saabsan khataraha argagixisada ee ka jira qaaradda Afrika, oo ay ku jiraan howlgallada iyo xiriirrada kooxaha Al-Qaacida iyo Daacish ee Bariga iyo Galbeedka Afrika.
Cabdikariin Cabdulle oo ka tirsan Xafiiska Amniga Qaranka ayaa sheegay in kulanka diiradda lagu saaray xaaladda la-dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya, sugidda amniga qaranka iyo xog-wadaagga lala yeesho khubarada Midowga Afrika. Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay la wadaagtay Midowga Afrika xog iyo waayo-aragnimo ku saabsan la-dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga qaranka, halka khubarada Midowga Afrika ay soo bandhigeen xog ku saabsan doorka ururka iyo khataraha argagixisada ee ka jira qaaradda.