Muqdisho (Dawan) – Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa ugu baaqday dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay sii wadaan wada-hadal loo dhan yahay si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo lagu ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida dalka.
Di Mauro ayaa hadalkan ka sheegtay shir jaraa’id oo ay kaga hadleysay wada-hadalka u dhexeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin dowlad wanaagga, dimuqraadiyadda, nabadda iyo xasilloonida, socdaalka iyo iskaashiga dhaqaale.
“Wadahadalku waa inuu bilowdaa, waa inuu sii socdaa, waxaana aaminsanahay inuu keeno natiijooyin muuqda si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayay tiri Francesca Di Mauro.
Safiirka ayaa sheegtay in kulankan uu kusoo aadayo xilli xasaasi ah oo Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala guur siyaasadeed, iyadoo go’aannada la qaadanayo maalmahan ay saameyn ku yeelan doonaan jihada dimuqraadiyadda iyo xasilloonida dalka.
Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah ayaa sheegay inay Soomaaliya ku bixiyeen ku dhawaad €5 bilyan 20-kii sano ee lasoo dhaafay, taas oo lagu taageerayay dowlad-dhiska, amniga, xasilloonida iyo horumarinta dhaqaalaha bulshada.
“Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah waxay filayaan in dhammaan dhinacyadu bilaabaan hannaan nabadeed oo loo dhan yahay si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo lagu xaqiijinayo xasilloonida siyaasadeed,” ayay tiri Safiirka Midowga Yurub.


