Jigjiga (Dawan)– Xafiiska Beeraha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa shalay 110 mooto u qaybiyey 64 degmo oo ka tirsan deegaanka, kuwaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo howlaha Mashruuca Shabakadda Badbaadada Wax-soo-saarka (PSF), gaar ahaan wejigiisa shanaad.
Mootooyinkan ayaa loogu talagalay in ay fududeeyaan shaqada howlwadeennada mashruuca ee ka howlgala heer degmo, si ay u gaaraan bulshooyinka ku nool deegaanada fog-fog, isla markaana loo dardargeliyo adeegyada la xiriira shaqooyinka xoogga dadweynaha, beeraha, biyaha iyo kaabeyaasha nololeed.
Munaasabadda wareejinta mootooyinka waxaa ka qayb galay Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS, Cabdullaahi Maxamed Muuse, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska iyo howlwadeennada mashruuca. Wasiirka ayaa sheegay in mootooyinkan ay door muhiim ah ka qaadan doonaan hirgelinta Mashruuca Shabakadda Badbaadada Wax-soo-saarka wejigiisa shanaad, maadaama ay wax ka qabanayaan caqabadihii dhinaca gaadiidka ee horay u jiray.
“Maanta waxaan u qaybinay 110 mooto 64 degmo oo aan hore u helin gaadiid. Ujeeddadu waa in shaqaalaha mashruucu si fudud uga shaqeeyaan degmooyinka iyo tuulooyinka, ayna bulshada u gaarsiiyaan adeegyada ay u baahan yihiin,” ayuu yiri wasiirku.





