Kismaayo (Dawan)- Warmurtiyeedka kasoo baxay shirka Mucaaradka ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo ayaa xoogga lagu saaray arrimaha doorashiyinka, iyada oo lagu sheegay inaan la aqbali doonin wax muddo kororsi ah marka la gaaro dhamaadka mudda xileedka hay'adaha dowladda. Mucaaradku waxa uu ka digay khataraha ka dhallan kara muddo-kordhin iyo hannaan doorasho oo aan heshiis lagu ahayn.
Qodobada kasoo baxay shirweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in muddo-xileedka Baarlamaanka Federaalka uu ku egyahay 14-ka Abriil 2026, halka kan Madaxweynaha uu ku egyahay 15-ka May 2026, iyadoo si cad loo sheegay in aan la aqbali doonin wax muddo-kordhin ah oo ka baxsan sharciga, laguna tilmaamay mid horseedi karta firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni.
Siyaasiyiintu waxay muujiyeen inay diyaar u yihiin in lala fariisto Madaxweynaha dalka, si looga wada xaajoodo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay, daahfuran, kana horumarsan tii 2022, islamarkaana xoojinaysa matalaadda deegaannada iyo sharciyadda hay’adaha ka dhasha.



