Muqdisho (Dawan) – Siyaasiyiin mucaarad ah oo ka soo jeeda Caasimadda Muqdisho ayaa ka digay xaalad siyaasadeed oo adag iyo firaaq dastuur oo uu dalka geli karo kadib 15-ka May, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saareen maanta oo Sabti ah.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in muddo xileedka dastuuriga ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ku egyahay 15-ka May 2026, isla markaana wixii ka dambeeya taariikhdaas ay u aqoonsanayaan “muwaadin caadi ah.”
Siyaasiyiinta ayaa sheegay inay wadeen maalmihii lasoo dhaafay wadatashiyo ay la yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ku jiraan odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhalinyarada iyo bulshada rayidka ah, si looga tashado xaaladda siyaasadeed ee dalka oo ay ku tilmaameen mid hubanti la’aan ah.
Waxay sidoo kale sheegeen inay la kulmeen wakiillo ka socda beesha caalamka, oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, Turkiga iyo Qaramada Midoobay, si looga wada hadlo xaaladda dalka.


