Soomaaliya, 01 Febraayo 2026 (Dawan)– Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay dowladda iyaga oo ku eedeyay inay qaadatay go’aan ay ku tilmaameen “masuuliyad darro” , kaasoo ku saabsan dib u celinta duulimaadyada ka imanayay Kismaayo iyo Garoowe. Duulimaadyadan waxaa saarnaa wufuud hordhac ah oo ka kooban mas’uuliyiin, warbaahin, iyo ilaalada gaarka ah ee madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, sida Goluhu sheegay.
Goluhu wuxuu sheegay in dhammaan qodobadii muhiimka ahaa ee qabsoomidda shirka wadahadalada laga gaaray, kuwaasoo ay ka mid tahay ansixinta ilaalada gaarka ah ee mas’uuliyiinta ka qaybgalaysa.
“Go’aanka uu qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladiisu wuxuu khatar gelinayaa noloshii wufuudda diyaaradaha la celshay,” ayaa lagu yiri bayaanka GMS.







