Muqdisho (Dawan) – Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed (Gama'diid) ayaa sheegay in bannaanbaxayaasha mucaaradka loo diiday inay gaaraan Garoonka Eng Yariisow, xilli uu tilmaamay in waddooyin badan oo Muqdisho ah lagu xiray ciidamo, dhagxaan iyo gaadiid ciidan.
Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay dowladda inay ka laabatay ballanqaad uu sheegay in lagu oggolaaday in dadka bannaanbaxa dhigaya ay isugu yimaadaan Garoonka kubadda cagta ee Eng Yariisow, kadib waanwaan ay qeyb ka ahaayeen ergo iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.
“Waad aragtaan jidkii oo dhan beebayaal iyo ciidan ayay ku xireen,” ayuu yiri Xildhibaan Gama'diid, isagoo intaas ku daray in dad badan oo bannaanbaxa u socday la xiray.
Xildhibaan Yuusuf ayaa sheegay in mucaaradka ay aqbaleen in bannaanbaxa lagu koobo hal goob si looga fogaado rabshado iyo fowdo, balse wuxuu ku eedeeyay dowladda in aysan fulin heshiiskaas.


