Muqdisho (Dawan) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in hirgelinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay qaadan karto muddo saddex sano ah, kaddib kulan looga hadlay qorshaha lagu dhaqan-gelinayo qodobada dastuurka.
Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa diiradda lagu saaray qorshaha hirgelinta dastuurka, muddada uu qaadanayo iyo farsamada lagu fulinayo qodobada muhiimka u ah hay’adaha dowladda, siyaasadda dalka iyo midnimada qaranka.
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay qorshe lagu hirgelinayo dastuurka, iyadoo sheegtay in ujeeddadu tahay in la xaqiijiyo fulinta qodobada dastuurka muddada u dhexeysa 2026 illaa 2029.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dastuurku dhaqan-gal yahay laga bilaabo maalintii uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo maalintii lagu soo saaray faafinta rasmiga ah, hase yeeshee hirgelintiisa farsamo ay qaadan doonto waqti.


