Jabuuti (Dawan)- Muqdisho iyo Jabuuti ayaa markii ugu horreysay heshiis iskaashi rasmi ah kala saxiixday, kaas oo labada caasimadood ay ku doonayaan inay ku xoojiyaan xiriirkooda, isla markaana iskaashi uga sameeyaan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, dhaqanka iyo horumarinta.
Heshiiska waxaa kala saxiixday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), iyo Duqa Caasimadda Jabuuti, Saciid Daa'uud Maxamed. Labada mas’uul ayaa sheegay in is-afgaradku uu saldhig u noqon karo iskaashi ballaaran oo u dhexeeya labada magaalo, iyadoo la doonayo in la kobciyo fursadaha dhaqaale iyo xiriirka bulshada.
“Waxaan iska kaashan doonnaa dhinaca horumarinta dhaqaalaha, ciyaaraha iyo dhaqanka. Waxaan rabnaa inaan ka faa’iideysanno aqoonta iyo khibradda Jabuuti,” ayuu yiri Muungaab.
Sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaa la sameyn doonaa guddiyo u xilsaaran fulinta iyo dabagalka qodobada lagu heshiiyay, si loo xaqiijiyo in is-afgaradku yeesho natiijooyin la taaban karo.
Muungaab ayaa sidoo kale sheegay in kulanka xiga ee labada dhinac lagu qaban doono Muqdisho, si loo sii ambaqaado wada-shaqeynta iyo qorshayaasha ka dhashay heshiiska. Wuxuu sheegay in himiladu tahay in Muqdisho iyo Jabuuti ay noqdaan caasimado hormuud ka noqda horumarka iyo iskaashiga caasimadaha Bariga Afrika.
Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale ugu baaqay maalgashadayaasha iyo ganacsatada Jabuuti inay yimaadaan caasimadda Soomaaliya, isla markaana ay ka faa’iideystaan fursadaha dhaqaale iyo maalgashi ee ka jira Muqdisho.