Muqdisho (Dawan) — Magaalada Muqdisho ayaa maanta laga furay Shirweynaha Bulshada Bariga Afrika ee EACON 2026, kaas oo looga hadlay sidii Soomaaliya uga faa’iidaysan lahayd xubinnimadeeda ururka, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, waxbarashada iyo horumarinta xirfadaha dhallinyarada.
Shirkan oo ay si wadajir ah u qabanqaabiyeen Jaamacadda SIMAD iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa ah kii saddexaad ee noociisa ah, waxaana la filayaa inay ka qaybqaataan in ka badan 500 oo ergo oo ka kala socda hay’adaha dowladda, Bulshada Bariga Afrika, ganacsatada, maalgashadayaasha, jaamacadaha iyo ururrada bulshada rayidka ah.
Shirka oo soconaya 12-ka iyo 13-ka Oktoobar ayaa sannadkan diiradda lagu saaray sidii heshiisyada iyo hab-maamuusyada Bulshada Bariga Afrika loogu dhex dari lahaa shuruucda Soomaaliya, loo xoojin lahaa awoodda shirkadaha Soomaaliyeed ee tartanka suuqyada gobolka, loona diyaarin lahaa dhallinyarada fursadaha shaqo iyo ganacsi ee ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, oo ka hadlay furitaanka shirka, ayaa sheegay in ka faa’iidaysiga xubinnimada Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika uu u baahan yahay in heshiisyada ururka lagu daro shuruucda dalka. Waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay iswaafajinta sharciyada, dib-u-habaynta xeerarka iyo diyaarinta hay’adaha dowladda, si Soomaaliya ay uga faa’iidaysato fursadaha dhaqaale iyo ganacsi ee ka dhasha isdhexgalka gobolka.
Guddoomiyaha shirka, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda SIMAD, Dr. Aamina Sheekh Cumar Maxamuud, ayaa sheegtay in guusha shirkan lagu cabbiri doono tallaabooyinka la qaado iyo natiijooyinka ka dhasha marka uu soo dhammaado.
Labadii shir ee hore ee EACON ayaa diiradda lagu saaray ku biirista Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika iyo faa’iidooyinka laga filayo xubinnimadaas, halka shirka sannadkan uu xoogga saarayo sidii xubinnimada loogu beddeli lahaa fursado dhaqaale, ganacsi iyo waxbarasho oo la taaban karo.
Shirka ayaa ka kooban shan doodood oo siyaasadeed oo ku salaysan afar tiir oo istaraatiiji ah, kulan ku saabsan tartanka ganacsiga oo ay ka qaybqaadanayaan wakiillo ka socda 31 hay’adood oo dowladeed, ganacsi iyo maaliyadeed, iyo kulan kale oo ku saabsan waxbarashada iyo horumarinta raasamaalka aadanaha oo ay ka qaybgalayaan 20 hoggaamiye oo dhinaca waxbarashada ah.
Sidoo kale, in ka badan 15 hal-abuurayaal iyo ganacsiyo yaryar iyo kuwo dhexdhexaad ah ayaa loo qorsheeyey inay shirka ku soo bandhigaan wax-soo-saarkooda iyo adeegyada ay bixiyaan.