Muqdisho (Dawan) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta si rasmi ah uga furmay Shirka Heritage Forum 2026, oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda iyo Jaamacadda City. Shirkan oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa lagu falanqeynayaa mustaqbalka Soomaaliya, caqabadaha horyaalla dowlad-dhiska iyo fursadaha lagu xoojin karo dowladnimada.
Madasha waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, siyaasiyiin, cilmi-baarayaal, aqoonyahanno iyo wakiillo ka socda bulshada rayidka, kuwaas oo ka doodaya arrimaha la xiriira marxaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha jira.
Shirka waxaa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la helo madal lagu gorfeeyo mustaqbalka dalka, xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah.
Doodaha maalinta koowaad ayaa diiradda lagu saaray xaaladda kala guurka ee Soomaaliya iyo waddooyinka looga gudbi karo, iyadoo la ilaalinayo midnimada qaranka, xasilloonida iyo horumarka dalka. Ka qeybgalayaashu waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa hay’adaha dowliga ah loona dardargelin lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska.
Waxaa la filayaa in maalinta labaad ee shirka lagu falanqeeyo tabar-darrada qaab-dhismeedka dowladnimada Soomaaliya, hannaanka dowlad-dhiska iyo caqabadaha hortaagan hirgelinta horumar waara, iyadoo la soo bandhigi doono talooyin lagu wajahayo arrimahaas.