Muqdisho (Dawan) – Xilli uu weli taagan yahay muranka ku saabsan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho martigelinaysa madashii ugu horreysay ee Somali Governance Forum, oo diiradda lagu saarayo mustaqbalka doorashooyinka dalka iyo sidii loo heli lahaa hannaan doorasho oo lagu wada heshiin karo.
Madashan oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Cilmi-baarista Somali Public Agenda, ayaa isu keenaysa mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, hoggaamiyeyaal mucaarad ah, cilmi-baarayaal, siyaasiyiin iyo wakiillo ka socda bulshada rayidka ah.
Ajandaha ugu weyn ee madasha ayaa ah in si furan looga doodo noocyada kala duwan ee doorashooyinka, caqabadaha hortaagan hirgelintooda iyo waddooyinka lagu gaari karo is-afgarad siyaasadeed oo saldhig u noqda doorashooyin lagu kalsoonaan karo.
Agaasimaha Somali Public Agenda, Mahad Wasuge, ayaa sheegay in muhiimadda madashu tahay in la abuuro meel ay ku kulmaan dhinacyada kala aragtida duwan si ay uga wada hadlaan xal waara oo ku saabsan muranka doorashooyinka.
“Dadka wada-hadallada ku jira ayaa isku yimid. Waxaa ka qeyb galaya Golaha Mustaqbalka, Nabad iyo Nolol, wakiillo ka socda dowladda, bulshada rayidka ah iyo dhinacyo kale. Ujeeddadu waa in laga wada hadlo xalka doorashooyinka Soomaaliya,” ayuu yiri Mahad Wasuge.
Madashu waxay muhiimad gaar ah leedahay maadaama ay isku miis keenayso mas'uuliyiin dowladda ka tirsan iyo siyaasiyiin mucaarad ah, xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadka la xiriira hannaanka doorashada.