Soomaaliya, 18 Maarso 2026 (Dawan) — Guddoomiyihii hore ee Goalaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta oo Arboco ah ku eedeeyay mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka inay khatar geliyeen rakaab saarnaa diyaarad u socotay Baydhabo oo ka timid Nairobi, kaddib markii lagu amray inay dib u laabato iyadoo hawada ku jirta.
Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku tilmaamay dhacdadan “khatar weyn” oo soo wajahday badqabka xildhibaanadii iyo shaqaalihii saarnaa diyaaradda. Sida uu sheegay Mursal, diyaaradda ayaa ku dhowaatay halkii ay u socotay oo ahayd Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, balse si lama filaan ah ayaa loogu amray inay dib ugu laabato caasimadda Kenya.
“Tallaabadan lama filaanka ah waxay halis gelisay badbaadada iyo nolosha masuuliyiinta, rakaabka iyo shaqaalihii saarnaa diyaaradda,” ayuu Mursal ku yiri bayaan uu soo saaray. “Waa nasiib darro weyn in diyaarad sidday xildhibaano iyo masuuliyiin kala duwan oo ka ambabaxday Nairobi kuna sii jeedday Baydhabo sidaas loo farageliyo.”
Eedaymahan ayaa daba socda kuwa uu horey u jeediyay maamulka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay laba maalmood oo isku xigta xannibtay isticmaalka Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho ee duulimaadyada taga ama ka yimaada gobolkaas.