Jabuuti (Dawan) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa hambalyo u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali, kadib markii Guddiga Doorashooyinka uu ku dhawaaqay in Xisbiga Barwaaqo ku guuleystay doorashadii baarlamaanka ee dhawaan ka dhacday dalkaas.
Farriin uu u diray Abiy Axmed, ayuu Madaxweyne Geelle u rajeeyay guul iyo horumar, isagoo sheegay in natiijada doorashadu ay muujineyso taageerada ballaaran ee shacabka Itoobiya u hayaan himilooyinka, qiyamka iyo barnaamijka siyaasadeed ee Xisbiga Barwaaqo.
“Natiijada ballaaran ee horseeday guushan doorasho waxay si cad u muujineysaa taageerada aqlabiyadda shacabkaaga ay u hayaan himilooyinka, hamiga iyo qiyamka ay ku dhisan tahay xisbigaaga siyaasadeed,” ayuu Geelle ku yiri farriintiisa, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI).
Madaxweyne Geelle ayaa sidoo kale sheegay in guusha Xisbiga Barwaaqo iyo dib-u-magacaabista la filayo ee Abiy Axmed ay siin karto dowladda Itoobiya dardar cusub oo ay ku sii waddo qorshayaasha horumarineed ee dalkaas.
Wuxuu intaas ku daray in natiijada doorashadu ay taageeri karto dadaallada Abiy Axmed ee ku aaddan horumar waara oo Itoobiya gaarto, isagoo mar kale u rajeeyay guul iyo horumar.