Muqdisho (Dawan)- Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta Muqdisho ku xusay sannad-guurada 15-aad ee dib-u-cusboonaysiinta xiriirka iyo saaxiibtinnimada labada dal, iyadoo munaasabadda ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Xiriirka labada dal ayaa dib u xoogaystay kaddib booqashadii taariikhiga ahayd ee Ra’iisul Wasaarihii Turkiga xilligaas, Recep Tayyip Erdoğan, uu Muqdisho ku yimid 19-kii Agoosto 2011, xilli Soomaaliya ay wajahaysay mid ka mid ah xaaladihii bani’aadantinimo ee ugu adkaa. 1-dii Nofeembar ee isla sannadkaasna waxaa dib loo furay Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.
Munaasabadda ayaa lagu xusay xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo 15-kii sano ee lasoo dhaafay ku dhisnaa iskaashi dhinacyo badan leh, gaar ahaan horumarinta, gargaarka bani’aadantinimo, waxbarashada, caafimaadka, amniga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.
Waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabduqaadir Maxamed Nuur, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaanno, Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, ganacsato, arday iyo wakiillo ka socday hay’adaha samafalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Turkigu uu Soomaaliya u noqday dal walaal ah oo garab taagan, isaga oo xusay kaalintii uu Ankara ka qaadatay Soomaaliya xilli dalka uu ku jiray marxalad aad u adag.