Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab si weyn loogu wiiqay deegaannada Hirshabeelle, isla markaana ay hadda ku kooban tahay, sida uu hadalka u dhigay, tiro yar oo degmooyin ah, xilli ay socdaan howlgallo ciidan oo ka dhan ah kooxda.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay barnaamijka Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan Media, ayuu madaxweynuhu ku sheegay in bariga Hirshabeelle ay ka dhaceen dagaallo culus oo Al-Shabaab looga saaray dhul ballaaran, kuwaas oo ka dhashay abaabul ciidan iyo mid bulsho oo laga sameeyay degmooyinka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha ayaa xusay in abaabulkaasi uu ka billowday magaalooyinka Matabaan iyo Beledweyne, isagoo sheegay in ujeeddadiisu ahayd in kooxda laga saaro deegaannada ay weli ku sugan tahay.
“Waa kooban yihiin degmooyinka ay joogaan. Ilaa saddex degmo ayay ku sugan yihiin, mana aha inay degmooyinkaasi oo dhan gacanta ku wada hayaan. Waqti aan dheereyn waxaan rajeynayaa in dhammaantood laga saari doono Hirshabeelle iyo guud ahaan dalka,” ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.