Muqdisho, Maarso 31 (Dawan ) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa oo Talaado ah hambalyo u diray xulka kubadda cagta qaranka Soomaaliya kadib guul taariikhi ah oo ay gaareen, taas oo u suurtagelisay inay u gudbaan wareegga group-ka ee isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika 2027 (AFCON).
Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay xulka “Ocean Stars” guusha ay ka gaareen dhiggooda Mauritius, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo horumar u ah ciyaaraha dalka.
“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo guul taariikhi ah ka gaaray isreeb-reebka AFCON 2027,” ayuu yiri madaxweynaha.
Xulka Soomaaliya ayaa rigooreyaal 4-2 kaga adkaaday Mauritius kadib barbaro goolal la’aan ah, taas oo ka dhigtay markii ugu horreysay ee ay gaaraan wareegga ugu weyn ee isreeb-reebka tartanka.


