Muqdisho (Dawan)– Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la saxiixatay dowladda Shiinaha heshiis u oggolaanaya in kalluunka iyo cuntooyinka badda ee Soomaaliya ay ku galaan suuqa Shiinaha iyagoo ka caagan canshuuraha. Dowladda ayaa sheegtay in heshiiskan uu sare u qaadayo dhoofinta dalka isla markaana uu dardargelinayo horumarinta waaxda kalluumeysiga.
Heshiiska waxaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Axmed Xasan Aadan, iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu.
Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Axmed Xasan Aadan, ayaa munaasabadda saxiixa ku tilmaamay heshiiska mid taariikhi ah oo ganacsatada Soomaaliyeed u sahli doona inay kalluunka iyo cuntooyinka kale ee badda u dhoofiyaan Shiinaha iyagoo aan bixin canshuuraha kastamka.
"Maanta waa maalin muhiim u ah Soomaaliya iyo Wasaaradda. Heshiiskan wuxuu u oggolaanayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ka shaqeysa kalluunka iyo cuntooyinka badda inay badeecadahooda u dhoofiyaan Shiinaha iyagoo canshuur dhaaf ah, taasoo u furaysa fursado cusub oo ay ku galaan suuqa Shiinaha," ayuu yiri wasiirku.
Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskani uu qayb ka yahay iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, kaas oo ka kooban dhinacyada gargaarka bini'aadantinimada, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo waxbarashada.