Muqdisho (Dawan) — Mashruuca Bile 2026 ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah looga daahfuray Muqdisho, iyadoo uu galay sannadkiisii saddexaad ee barnaamijka lagu horumarinayo xirfadaha dhijitaalka ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed, laguna diyaarinayo inay aqoontooda jaamacadeed u beddelaan xirfado iyo fursado shaqo.
In ka badan 160 arday oo ka kala socda 22 jaamacadood oo ku yaalla Muqdisho ayaa sanadkan ka qaybgalaya wejiga saddexaad ee Mashruuca Bile.
Mashruuca waxaa iska kaashanaya Shirkadda Tabaarak iyo SomaliREN, iyadoo ay taageerayso Hormuud Salaam Foundation. Waxa uu si gaar ah diiradda u saarayaa ardayda sannadka ugu dambeeya ee jaamacadaha dhigata culuumta Tiknoolajiyadda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta (ICT), iyadoo ujeeddadu tahay in laga caawiyo sidii ay uga gudbi lahaayeen waxbarashada jaamacadeed una geli lahaayeen suuqa shaqada.
Sanadkan, 43 % ardayda ka qaybgalaysa barnaamijka ayaa ah gabdho, taasoo muujinaysa ka-qaybgalka sii kordhaya ee haweenka Soomaaliyeed ee dhinacyada tiknoolajiyadda iyo horumarinta xirfadaha dhijitaalka ah.
Mashruuca Bile 2026 wuxuu diiradda saarayaa afar meelood oo muhiim u ah mustaqbalka tiknoolajiyadda, kuwaas oo kala ah Horumarinta Software-ka, Garaad Gacmeedka (AI), Cloud Computing iyo Software Analysis.
Madaxa Shirkadda Tabaarak, Gurre Cabdi, ayaa sheegay in Mashruuca Bile uu yahay hannaan lagu yareynayo farqiga u dhexeeya waxbarashada jaamacadaha iyo xirfadaha looga baahan yahay suuqa shaqada.