Baydhabo (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb galay kulan ay qaar ka mid ah haweenla Koonfur Galbeed ku muujinayeen taageeradooda hirgelinta doorashada qof iyo cod ah, halkaasoo uu kaga hadlay mustaqbalka siyaasadeed ee dowlad-goboleedka.
Madaxweynaha ayaa caddeeyay in qorshaha Dowladda Federaalka uu yahay in muddo hal ilaa laba bilood gudahood lagu qabto doorashada hoggaanka rasmiga ah ee Koonfur Galbeed. Wuxuu xusay in dowladda dhexe ay si dhab ah uga bixi doonto arrimaha gudaha ee maamulka, si bulshada deegaanka ay uga tashato masiirkooda siyaasadeed.
“Dowladda Federaalka ahaan waan idinka dhex baxeynaa, waan idinka tagaynaa, hoggaamiyuhuna wuxuu joogi doonaa Baydhabo muddo hal ama laba bilood ah ilaa doorasho laga qabanayo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in dib-u-heshiisiinta bulshada Koonfur Galbeed ay tahay tiir muhiim u ah xasilloonida iyo dowlad-dhiska. Wuxuu ugu baaqay shacabka inay iska cafiyaan wixii dhacay, isla markaana ay xoogga saaraan dhismaha mustaqbal wadajir ah.


