Nairobi (Dawan)– Warbixin dhowaan lasoo saaray ayaa muujisay in caasimadda Kenya ee Nairobi ay noqotay magaalada ugu horeysa caasimadaha Geeska Afrika iyo gobolka marka la eego amniga iyo xasilloonida ee sanadka 2026.
Warbixinta oo cinwaan looga dhigay “Qiimeynta Amniga Afrika 2026” waxaa soo saaray The Global Herald, iyadoo lagu qiimeeyay 54 magaalo oo Afrika ah, iyadoo la eegayo heerka dambiyada, xasilloonida siyaasadeed, awoodda hay’adaha amniga, kaabayaasha adeegyada iyo khatarta colaadaha.
Sida lagu sheegay warbixinta, Nairobi ayaa gashay kaalinta 16-aad ee guud ahaan Afrika, taas oo ka dhigaysa caasimadda ugu amniga wanaagsan gobolka Geeska Afrika iyo deegaannada ku xeeran.
Jabuuti ayaa gashay kaalinta 22-aad, halka Mogadishu ay gashay kaalinta 29-aad, iyadoo ka hor martay caasimado ay ka mid yihiin Yaoundé, Brazzaville iyo Maputo.
Dhanka kale, Addis Ababa ayaa gashay kaalinta 33-aad, halka Asmara ay gashay kaalinta 34-aad.


