Muqdisho (Dawan) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in toddobo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay, halka horjoogeyaal kale lagu dhaawacay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Tawakal ee gobolka Shabeellaha Hoose.
War-saxaafadeed ay NISA soo saartay maanta oo Talaado ah ah ayay ku sheegtay in howlgalka, oo ay taageereen saaxiibada caalamka, lagu beegsaday xarun ay Al-Shabaab ku lahayd Tawakal, xilli ay halkaas ku sugnaayeen xubno sare oo kooxda ka tirsan.
Hay’addu waxay sheegtay in goobta la beegsaday ay ahayd xarun ay horjoogeyaasha kooxdu si gaar ah ugu kulmi jireen, howlgalka ayaana la fuliyay kaddib xog sirdoon oo laga helay dhaq-dhaqaaqooda.
NISA ayaa horjoogeyaashii goobta ku sugnaa ku kala sheegtay Yoonis Macallim Abuukar, oo qaabilsanaa deegaanka Mushaani; Abuu Xaaji Fareey, oo hoggaaminayay dagaalyahanada kooxda ee Tawakal; Ayaatullaahi, oo ka tirsanaa hoggaanka dagaalyahannada Al-Shabaab ee Shabeellaha Hoose; iyo Cabdifitaax Rooble, oo hay’addu sheegtay inuu qaabilsanaa lacagaha ay kooxdu ka ururiso Baladul-Amiin.