Shabeellaha Dhexe (Dawan)– Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in 12 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay howlgal qorsheysan oo ay ciidamadeedu oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ka fuliyeen tuulada Bur Saruur ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
War-saxaafadeed ay NISA soo saartay ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday goob ay xubnaha kooxda ku urursanaayeen. Hay’addu waxay sheegtay in sidoo kale la burburiyay agab ciidan iyo goobo ay gabaad ka dhiganayeen, isla markaana ay weli raadineyso xubno ka baxsaday goobta.