Muqdisho(Dawan) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay Jimcihii in xubno sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay howlgal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
War-saxaafadeed ay soo saartay hay’addu ayaa lagu sheegay in howlgalka laga fuliyay deegaanka Buq-aqable, iyadoo lala kaashaday saaxiibada caalamka, islamarkaana lagu bartilmaameedsaday horjoogeyaal iyo xarumo ay kooxdu u adeegsan jirtay abaabulka maleeshiyaadkeeda.
Sida ay sheegtay NISA, howlgalka waxaa lagu dilay ugu yaraan saddex xubnood oo sare, kuwaas oo kala ahaa Cali Xuseen oo hay’addu ku tilmaantay horjoogaha kooxda u qaabilsanaa fulinta howlgalada gobollada dhexe, Mowliid Jiis oo lagu sheegay wakiilka Al-Shabaab ee degmada Buulo-burde, iyo Maxamed Hiiraan oo la sheegay inuu ahaa wakiilka kooxda ee degmada Jalalaqsi.


