Muqdisho (Dawan)- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay inay ka hortagtay qorshe weerarro oo ay wadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo gacanta ku dhigtay sagaal qof oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen qorshahaas.
NISA ayaa sheegtay in sagaalka qof lagu qabtay hawlgal ay ciidamada ammaanku ka sameeyeen deegaannada Garasbaaley, Kaxda iyo qaar ka mid ah xaafadaha Ceelasha Biyaha, kaddib markii hay’addu ay muddo la socotay dhaq-dhaqaaqooda.
Hay’addu waxay sheegtay in dadka la qabtay lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, isla markaana ay qorsheynayeen falal amni-darro iyo weerarro lagu waxyeelleyn lahaa shacabka Soomaaliyeed.