Muqdisho (Dawan) — Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa Talaadadii sheegtay inay qabatay 11 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kaddib howlgallo laga sameeyey Muqdisho iyo Afgooye.
NISA waxay sheegtay in dadka la qabtay ay ku jireen shabakado ay Al-Shabaab u diyaarinaysay falal amniga khatar gelin kara. Sida ay hay’addu sheegtay, howlgalladu waxay ka dhaceen Daarusalaam, Garasbaaley, Kaxda, Dayniile iyo Afgooye, waxaana lagu qabtay hub iyo agab kale.