Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa yeelaneysa xarun cusub markii ugu horreysay muddo nus qarni ku dhow, kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, uu maanta dhagax-dhigay mashruuca dib-u-dhiska xarunta wasaaradda ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, iyadoo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Jamaal Maxamed Xasan, uu sheegay in wasaaraddu muddo ku dhow 50 sano ay ku shaqeynaysay dhisme duqoobay oo aan la jaanqaadi karin baahiyaha shaqo ee maanta.
“50 sano ayuu jiraa dhismahani. Sida aad u jeeddaan, duruufo badan ayaa ka muuqda. Sharaf weyn ayay noo tahay inaan maanta dib u dhisno,” ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dib-u-dhiska xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha uu ka tarjumayo dadaalka dowladda ee lagu xoojinayo hay’adaha qaranka, isla markaana lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka.