Muqdisho (Dawan)– Soomaaliya ayaa wajahaysa xaalad bani’aadannimo oo sii xumaanaysa, iyadoo abaaro daba dheeraaday, roobab wata fatahaado xoogan iyo sare u kac ku yimid qiimaha shidaalka caalamka ay sii kordhinayaan cunno yarida iyo barakaca ka jira guud ahaan dalka, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay.
Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubbaridka arrimaha bani’aadannimada (OCHA) ayaa sheegay in in ka badan 5 milyan oo qof ay saameeyeen xaaladaha abaarta, halka la saadaalinayo in 4.8 milyan oo qof ay u baahan doonaan gargaar bani’aadannimo iyo adeegyo badbaado inta lagu jiro sanadkan 2026.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay in qorshaha jawaabta bani’aadannimo ee Soomaaliya, oo u baahan maalgelin dhan $852 milyan, uu helay oo keliya 15 boqolkiiba dhaqaalihii loo baahnaa.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Soomaaliya ay weli la tacaalayso mid ka mid ah mowjadihii abaareed ee ugu dheeraa uguna darnaa, kadib markii xilliyo roobaadyo xiriir ah aysan u da'in sidii la sugayay tan iyo sanadkii 2024, inkastoo uu billowday xilli roobaadka “Gu’ga” ee u dhexeeya bilaha Abriil iyo Juun.
Sida lagu sheegay warbixinta, abaartu waxay sababtay barakaca in ka badan 500 kun oo qof, kuwaas oo intooda badan ka mid ah bulshooyinka xoola-dhaqatada iyo beeraleyda reer miyiga ah ee raadinaya biyo, cunto iyo daaq.
Hay’addu waxay sheegtay in dhimashada iyo yaraanta xoolaha ay si weyn u wiiqeen awoodda qoysasku ay ugu adkeysan karaan xaaladaha adag iyo inay dib uga soo kabtaan saameynta abaarta.
Inkasta oo roobabkii hore ay si yar u sababeen helitaanka biyaha iyo daaqa qaybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, haddana warbixintu waxay tilmaantay in saameyntaasi ay ahayd mid xaddidan oo aan si siman uga jirin dhammaan deegaannada, sababo la xiriira burburka ilaha biyaha, dhibaatooyinka nololeed iyo kororka nafaqo darrada.


