Jowhar (Dawan) — Dowladda Jabuuti ayaa hambalyo u dirtay Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), kaddib dib-u-doorashadiisa, iyadoo muujisay xiriirka dhow ee kala dhexeeya maamulkaas.
Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Cusmaan Dubad, ayaa maanta magaalada Jowhar ku gaarsiiyay Cali Guudlaawe dhambaal hambalyo ah oo uu ka siday dowladda iyo shacabka Jabuuti, sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle.
Kulanka ayaa ku soo beegmay xilli magaalada Jowhar lagu qabtay munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe, iyo Hoggaamiye ku-xigeenkiisa, Cabdifataax Xasan Afrax, taas oo uu safiirku ka qeybgalay.
Cali Guudlaawe ayaa uga mahadceliyay dowladda Jabuuti taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan kaalintii ciidamada Jabuuti ay ka qaateen dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Hirshabeelle.