Qaahira (Dawan)– Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah tacsi u dirtay dowladda iyo shacabka Masar, kadib shil tareen oo Axaddii ka dhacay gobolka Giza, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
“Soomaaliya waxay garab taagan tahay walaasheed Masar xilligan adag,” ayay wasaaraddu ku sheegtay war-saxaafadeedka. Waxay sidoo kale Alle uga bariday inuu u naxariisto dadkii ku dhintay shilka, ehelladoodana uu samir iyo iimaan ka siiyo, halka dadka dhaawacmayna ay u rajeysay caafimaad degdeg ah oo buuxa.