Jabuuti (Dawan) — Ciidamada Booliska Milatariga Qaranka Jabuuti ayaa maanta sheegay inay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan koox abaabulan oo looga shakisan yahay inay ku howlaneyd falal baad iyo handadaad hubeysan ah oo ka dhacayay xaafado ka tirsan magaalada Jabuuti.
Howlgalka waxaa si wadajir ah u fuliyay Guutada PK12 Nord, Cutubka Badbaadada Waddooyinka (ESR) iyo Qeybta Baarista iyo Diiwaangelinta (SRD), sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidamada.
Kooxdan ayaa lagu eedeeyay inay si gaar ah uga howlgeli jirtay xaafadaha PK12, PK13, Nagad iyo Barwaaqo 2, halkaas oo ay dadka hub ku handadi jireen si ay lacago uga qaataan.
Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay dhowr qori oo laga rido rasaas aan dhab ahayn iyo qori aan lahayn khasnad rasaaseed, balse ay la socotay rasaas.