Muqdisho (Dawan)— Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 171 muwaadin oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ku dhibaateysnaa xabsiyada dalka Liibiya. Muwaadiniintan, oo ay ku jiraan 31 haween ah, ayaa 130 ka mid ah laga dejiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halka 41 kalena laga dejiyay magaalada Hargeysa.
Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa muwaadiniintan ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), Wasiirka Caafimaadka, Cali Xaaji Aadan, iyo Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha, Maryan Yaasiin.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Xoosh, ayaa sheegay in dowladda ay soo dhaweysay muwaadiniinta laga soo celiyay Liibiya, kuwaas oo isugu jiray rag iyo dumar muddo ku dhibaateysnaa dalkaas.