Muqdisho (Dawan ) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa si rasmi ah isaga casilay xilkii Xoghayaha Guud iyo xubinnimadii Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), kaddib war-saxaafadeed uu soo saaray oo uu ku sheegay in go’aankiisu ka dhashay khilaaf qoto dheer oo kala dhexeeya Guddoomiyaha xisbiga, ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Odawaa ayaa sheegay in khilaafka uu salka ku hayo arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin hannaanka hoggaaminta, wax-ka-beddelka dastuurka, nidaamka doorashooyinka iyo siyaasadda la xiriirta dowlad-goboleedyada.
Wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha in talada dalka iyo tan xisbiga lagu soo koobay hal dhinac, isaga oo tilmaamay in aan si ku filan loo tixgelin aragtiyada ka duwan kuwa hoggaanka, isla markaana la iska indha-tiray la-tashiga siyaasadeed iyo doorka hay’adaha dowladda.
Arrimaha doorashooyinka ayaa sidoo kale qayb ka ahaa khilaafka, iyadoo Odawaa uu sheegay inuu kasoo horjeedo nidaam doorasho oo, sida uu sheegay, natiijadiisa lagu xakameyn karo hal dhinac. Dhanka kale, wuxuu ku dooday in doorashooyinka dalka ay noqdaan kuwo ay ku heshiiyaan dhammaan saamileyda siyaasadda.
