Muqdisho (Dawan ) — Qaar ka mid ah Odayaal dhaqameed Soomaaliyeed ayaa sheegay in aysan ku guuleysan inay dhanka dowladda gaarsiiyaan farriin ay hore uga soo qaadeen siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta, taasoo muujineysa caqabadda weli hortaagan dadaallada lagu doonayo in lagu dejiyo khilaafka siyaasadeed ee dalka.
Odayaasha dhaqanka iyo xubnaha Madasha Samatabixinta ayaa maanta kulan ku yeeshay Hotel Jaziira ee magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayay halka ay mareyso ergadii hore loogu xil-saaray inay ka shaqeeyaan isu soo dhowaanshaha dhinacyada siyaasadda.
Garaad Jaamac Garaad Cali, oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in ergadii ay hore mucaaradku ugu dhiibeen odayaasha aysan u suuragelin inay gaarsiiyaan dhinaca kale.
“Ergadii ay na fareen inay gaarsiiyaan way noo suuroobi weyday inaan u gudbinno dhinaca kale,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.


