Garoowe (Dawan ) – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dib u fasaxday duulimaadyada shirkadda Daallo Airlines, iyadoo u oggolaatay inay dib uga hawlgasho garoomadeeda, kadib hakad socday muddo bil ah oo lagu joojiyay duulimaadyadeeda.
Warqad ka soo baxday Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, maanta ayaa lagu xaqiijiyay in dib loo siiyay oggolaanshihii (ruqsaddii) duulimaadyada shirkadda, taasoo u oggolaanaysa inay si degdeg ah u bilowdo howlaha duulimaadyada.
“Shirkadda Daallo Airlines waxaa dib loo siiyay oggolaanshihii duulimaadyada ee dhammaan garoomada Puntland laga bilaabo 31-ka Maarso 2026,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Go’aankan ayaa imanaya kadib markii 1-dii Maarso maamulka Puntland uu joojiyay dhammaan duulimaadyadii shirkadda, isagoo ku sababeeyay arrimo la xiriira amniga, kuwaas oo uu sheegay inay khatar geliyeen rakaab iyo mas’uuliyiin laba jeer oo kala duwan.
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa xilligaas sheegtay inay si degdeg ah uga laabatay ruqsaddii duulimaad ee shirkadda, iyadoo amar ku siisay maamulayaasha garoomada inay dhaqan geliyaan joojinta.


