Soomaaliya, 2 Maarso 2026( Dawan)– Dowlad goboleedka Puntland ayaa Isniintan ku eedaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku kacday “af-duub diyaaradeed” kadib markii diyaarad rayid ah oo siday xildhibaanno federaal ah la sheegay in laga soo celiyay hawada.
Bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in diyaaradda, oo qorshuhu ahaa inay ku degto Garoowe, lagu qasbay inay dib ugu laabato Muqdisho 1-dii Maarso.
Maamulka ayaa dhacdadan ku tilmaamay “fal mas’uuliyad-darro ah” oo khatar geliyay nolosha rakaabkii saarnaa, oo ay ku jireen xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee ku matala Puntland.
“Kani waa fal sharci-darro ah, kali-talisnimo ah, isla markaana meel ka dhac ku ah sharafta Soomaaliya,” ayay tiri Madaxtooyada Puntland.







