Garoowe (Dawan ) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray xeerar madaxweyne oo isugu jira isku shaandheyn wasiirro iyo magacaabisyo cusub oo lagu sameeyay hay’adaha muhiimka ah ee dowladda.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka madaxtooyada, isbeddelkan ayaa waxaa ka mid ah dhismaha gole wasiirro cusub oo ay ku jiraan wasaarado muhiim ah sida caddaaladda, arrimaha gudaha, caafimaadka, qorsheynta, duulista hawada, deegaanka iyo kalluumeysiga. Sidoo kale waxaa la magacaabay wasiir ku-xigeenno iyo wasiiru-dowlayaal ka kala shaqeyn doona waaxyaha maaliyadda, amniga, waxbarashada iyo gargaarka bani’aadannimo.
Wasiirrada Puntland
- Cabdirashiid Barkhadle Warsame – Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta
- Cabdi Xirsi Cali Qarjab – Wasiirka Arrimaha Gudaha
- Maxamed Cabdiraxmaan Faroole – Wasiirka Caafimaadka
- Barre Yuusuf Faatax – Wasiirka Qorsheynta
- Cabdifitaax Ugaas Yaasiin – Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada
- Hodan Siciid Xasan – Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska
- Farxaan Cali Xirsi – Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
- Siciid Cali Jaamac Qoorsheel – Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Daaqa
- Caydaruus Axmed Faarax – Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada
- Maxamed Cabdulqaadir Donyale – Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda
- Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi – Wasiirka Gargaarka
- Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux – Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
- Maxamuud Caydiid Dirir – Wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska


