Garoowe (Dawan)- Ciidanka Booliska Badda Puntland (PMPF) ayaa sheegay inuu gacanta ku hayo 41 qof oo looga shakisan yahay burcad-badeednimo, kadib hawlgal lagu soo furtay markabka shidaalka qaada ee MT SIBU 1. Ciidanku wuxuu sheegay in mid ka mid ah dadka looga shakisan yahay burcad-badeednimada uu dhintay, shan kale ay dhaawacmeen.
Dhammaan 20-kii shaqaalaha ahaa iyo hantidii saarnayd markabka ayaa badqaba, sida uu sheegay ciidanku. Shaqaaluhu waxay kala yihiin 16 Hindi ah, laba Suuriyaan ah, hal Ciraaqi ah iyo hal Suudaani ah.