Garoowe (Dawan)– Wasaaradda Amniga Puntland ayaa sheegtay in markabka MV LUTUF iyo shaqaalihii saarnaa ay dib u heleen xorriyaddooda kadib markii burcad-badeed hubeysan ay ku afduubteen xeebaha Puntland 17-kii Agoosto 2026, balse waxay beenisay in markabka lagu soo furtay hawlgal ay wada fuliyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga.
War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya 29-kii Agoosto ayaa lagu sheegay in markabka lagu soo furtay hawlgal wadajir ah, hase yeeshee Puntland ay arrintaas ku tilmaamtay arrin waxba kama jiraan ah.
Puntland ayaa sidoo kale ku eedeysay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga inay bixiyeen lacag madax-furasho ah si loo sii daayo markabka, iyadoo sheegtay in tallaabadaasi ay khatar ku tahay dadaallada caalamiga ah ee looga hortagayo burcad-badeednimada.
Wasaaradda Amniga Puntland ayaa sheegtay inay muddo la socotay xiriirro dhex marayay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kooxihii haystay markabka, kuwaas oo ay ku tilmaantay kuwo lagu fududeynayay bixinta madax-furashada.