Garoowe (Dawan)– Maxkamadda Darajada Koowaad ee Garoowe ayaa laba dhallinyaro ah ku xukuntay lix bilood oo xabsi ah midkiiba, kadib markii ay ku heshay inay ku xadgudbeen calanka Puntland, sida ku cad xukunka maxkamadda oo uu baahiyey telefeshinka Dowlad goboleedka Punatland Sabtidii.
Maxkamaddu waxay eedeysanayaasha ku magacawday Cabdiraxmaan Axmed Xaamud, 19 jir, iyo Maxamed Yuusuf Cali, 17 jir, oo labaduba ku nool degmada Garoowe.
Maxkamaddu waxay sheegtay in labada eedeysane ay qirteen inay ku istaageen calanka Puntland isla markaana muuqaalka falka ay ku baahiyeen TikTok.
Mid ka mid ah eedeysanayaasha ayaa maxkamadda u sheegay inuu muuqaalka falka ku baahiyay TikTok kadib markii uu dhacay.
Xafiiska Xeer-ilaalinta ayaa sheegay in labada eedeysane ay ku xadgudbeen Qodobka 219-aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, kaas oo xeer-ilaalintu sheegtay inuu la xiriira xadgudubyada ka dhanka ah astaamaha qaranka.
Xeer-ilaalintu waxay maxkamadda ka codsatay in labada eedeysane midkiiba lagu xukumo hal sano oo xabsi ah.