Qabridahare (Dawan) – Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa magaalada Qabridahare ka dhagax-dhigay mashruuc sifeyn biyo ah oo ku kacaya 407 milyan oo Birr, una dhiganta $2.6 milyan, kaas oo lagu horumarinayo helitaanka biyaha nadiifta ah.
Wasiirka Xafiiska Biyaha DDS, Injineer Axmed Miraad Layli, ayaa sheegay in mashruucan uu ka koobnaan doono warshad sifeyn doonta biyaha, si looga saaro maaddooyinka iyo macdanta xad-dhaafka ah ee ku jira biyaha deegaanka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in mashruuca lagu dhammaystiri doono muddo siddeed bilood ah.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka, qalabka warshadda sifeynta biyaha ayaa laga keenayaa dalka Turkiga, halka fulinta mashruuca ay qaban doonto Shirkadda Dhismaha ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, oo dhawaan dib-u-habeyn iyo ballaarin lagu sameeyay.


