Muqdisho (Dawan) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in mashruuca dhismaha Garoonka Cusub ee Muqdisho uu ku kacayo $714 milyan, iyadoo la qorsheynayo in la fuliyo muddada u dhaxaysa 2026 ilaa 2028.
Mashruucan, oo loo yaqaan New Mogadishu International Airport (NMIA), ayaa ah mid ka mid ah qorshayaasha ugu waaweyn ee kaabayaasha dhaqaalaha dalka, kaas oo lagu doonayo in lagu xoojiyo isku-xirnaanta gudaha iyo dibadda Soomaaliya.
Hay’adda NMDC ayaa si rasmi ah u daah-furtay bandhig maalgashi oo lagu soo bandhigayo fursadaha mashruucan, iyadoo la raadinayo maalgelin gudaha iyo dibadda ah.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in garoonkan cusub uu kordhin doono awoodda rakaabka iyo xamuulka, isla markaana uu wax ka qaban doono caqabadaha ka jira garoonka hadda jira, oo ay ka mid yihiin ciriiriga iyo xaddidaadda ballaarinta.


